Sunday, 9 October 2016

Wax Qabadkii korneel cabdi xakiin farey

waxa dhawan xilka laga qaadey taliyihii hay,ada nabadsugida & sirdoonka qaranka  gobalka banadir cabdi xakiin fareey , waxaan baaritaan aan sameynay ku ogaanay in sababta kaliye ee taliyaha xilka looga qaadey ay tahay inay isku qabiil yihiin taliyaha nabadsugida gen.Gaafow.
taliyihii nabadsugidda gobalka banaadir col. cabdi xakiin axmed farey ayaa xilkasi loo magacabay 12-kii febraayo 2015-kii  waxa uuna xilkaaasi inta uu hayay la yimid wax qabad muuqda oo ay mahdiyeen shacabka magaalada muqdisho .
mid ka mid ah siyaasiinta magalada muqdisho ayaa nasiib daro ku tilmaamay in taliye cabdix xakiin farey xilka looga qaadey qabiilka uu kasoo jeedo darteed , waxaa uuna sheegay hadii sidaas xil la isaga qaadayo in ay haboon tahay in xilka iyana laga qaado dadka ku qabiilka ah madaxweynaha .
waxa sidoo kale xil ka qaadistaan imaaneysa xili madaxweynaha somaliya wareegto uu dhawaan soo saaray ku sheegay in aanan la sameyn karin magacabis & xil ka qaadis  mudada kala guurka lagu jiro.
Taliyihii hore hay,ada nabdsugida gobalka banadir cabdi xakiin fareey aya qabtay shaqo aad u heer sareysa inta uu xilka hayay , waxana is badal badan uu ku yimid xaqii jinta amaanka caasimada muqdisho & hab dhaanka ciidanka nabad sugida & sirdoonka qaranka intii uu xilka hayay.

waxyaabaha muuqdo uu qabtay cabdi xakiin farey laguna xasuusan doono waxaa ka mid ah .

1. waxa uu isbadal muuqda uu dhinacyo badan uu ku smaeeyay ciidanka nabadsugida  qaranka gaar ahaan kuwa ka howlgala gobalka banadir.

2. waxaa uu kusoo kordhiyay ciidanka nabad sugida dad xirfad leh oo lagu qaatay aqoonta ay leeyihiin,  waxa uuna ciidanka kusoo biiriyay dad jaamiciyiin ah oo qarkood tababaro dalka dibadiisa loogu diray .

3-Waxa uu bur buriyay intii uu xilka hayay Shabakado badan oo katirsanaa Al-Shabaab kuwaa oo si joogta ah uga howlgali jiray magaalada Muqdisho.

4-Waxa uu meesha ka saaray xabsiyo qarsoodi ah oo Degmooyinka gobolka Banaadir ku lahaayeen ciidanka Nabad Sugida dadkana si sharci daro ah loogu xiri jiray.

5-Waxa uu joojiyay lacago baad ah oo laga qaadi jiray dadka laga soo xirtay caruurtooda iyaga oo lagu shabadeenayo in ay Al-Shabaab yihiin.

5-Waxa uu kala saaray Maxaabiista loo soo xiro tuhun la xariira Al-Shabaab iyo kuwa kale ee dambiyada kale loo heesto oo markii hore hal meel lagu xiri jiray.

6-Waxa uu dib u dhis ku sameeyay Xabsiga Godka Jilacow oo lagu soo kordhiyay qeybo badan ay ku jiraan Masaajid iyo goobo kale oo muhiim ah.

7-Waxa uu gabi ahaan joojiyay in dadka lagu tuhmayo in lagu xiro meel aan ka aheyn xabsiyada Hay'ada Nabad Sugida ee gobolka Banaadir.

8-Waxa uu ka hortagay Maxaabiis dambiyo loo heesto oo markii hore qaab laaluush ah looga sii deyn jiray xabsiyada Hay'ada Nabad Sugida .

9-Waxa uu kalsooni ka dhax abuuray shacabka iyo Ciidanka Nabad Sugida oo markii hore ahaa kuwa kala shakisanaa

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaana aad ugu riyaaqay wax qabadkii muuqday oo la yimid taliyihii hore ee Hay'ada Nabad Sugida gobolka Banaadir, waxa ayna Shacabka ka cabsi qabeyn in ay bur buraan meesheedana aan lagasii wadin waxqabadkii Taliye Farey.

Taliyihii hore ee ciidanka Nabad Sugida Gobolka Banaadir Cabdi Xakiin Farey ayaa ahaa nin aqoonyahan ah oo wax kusoo bartay dalka iyo dibadiisa, waxa uuna ahaa nin si weyna uga soo baxa howsha uu qaranka u hayay, waxa uuna horey usoo noqday Taliyihii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu sidoo kale Madax kasoo noqday Hogaano katirsan Hay'ada NISA.

No comments:

Post a Comment