Saturday, 2 July 2016

Waa maxay siyaasad

siyaasad waa middeynta bulshada & ka shaqeynta danta guud iyadoo oo loo maraayo wadooyin ay bushada goobtaas dagan isku afgarteeb .
nabigeena csw ayaa laga wariyey inuu yiri .
(مثل المومنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد ادا اشكتي منه عضوا تداعي له سائر الجسد بالسهر والحمي )
oo macnaheeda yahay (mu,miniinta marka la eego sida ay isku dhibrayan oo ay iskugu naxariistan waxa ay la mid yihiin sida haljir oo hadii xubin xanuusato jirka intiisa kale damqanaya qandho uu lasoo jeedayo )
siyaasadu waxaa ay leedahay macno farabadan ,laakinsa aan kuu soo gaabiyo .
siyaasadu marka la qeexaya waxa lagu macneeya in lays waa faajiyo waxyaabah is diidan ,sida in la,
Dhax dhigo dadka is qilaafan hashiis ,nabad jaceyl & wada noolansho .
siyaasadu waa cilmi la barto oo jamacad loogu soo baxda si bulshada loo maamulo .
siyaasadu waa cilmiga manta la joogo ugu muhiimsan ,maxa yeelay waa nidaam dowladeed.
siyaasadu waa horseeda wadan gaarsiiyana hormar & barwaaqo .
Siyaasadu waa eray asal ahantiisa kasoo jeeda afka carabiga ,macnayaal kala duwan oo meeqaamo kala duwan waa la siiyey wuxuu la dhigyahay erayga afka ingriiska lagu yiraahdo" politics "
Kaasi oo bilowgiisa ka yimida wadanka giriiga oo ahaa meelihi u horeeyey ee aqoonta laatiinka ah,iyo eray bixinteedu kasoo faracmeen .
siyaasadu waxa kaloo lagu lagu macneeya waa awooda uu qof ku gaarsiin karo bulsho ,amaba waa,
habka ay dowladu u maamusho dadkeeda ,iskusoo duuboo waxeynu dhadhansan karnaa iany tahay. hab qorsheysan oo maamul & hagis leh .

qaabkee aan u fahanay somali ahaan siyaasada ?

Erayga siyaasad marka lasoo hadal qaado bulshadeena dhexdeeda waxa kugu soo dhacaya macnayaal fara badan oo is burinaya amaba iska hor imanaya mararka qaar waxa loo adeegsada erayga siyaasad "khaa,inimo " & dhagar cadoowtoyo  , oo waxaad maqlaysa 
hebal waa siyaasi ,wuu i siyaasadeeyey isagoo ula jeedadiisu tahay inuu i farsameysan loo khaimay , taasi siyaasad miyaa hadaba ,waa maya siyaasada si qaldan ayan u fahanay .
layaab maleh oo siyaaasadda dadku waxey ugu barteen wax is daba maris ,danaysi &hadba waji cusub oo aan heshiisna aheyn colaadna aheyn , wax kastoo guracan markii la arkana waxa yiraahda "waa siyaasad ".
waa erayga loogu hadel haynta badan yahay ,haddana dadka somaliyed macnahiisa dhabta ah,
ma yaqaanaan .

waa kuma siyaasi ?

siyaasi marka la qeexayo waxa lagu sheega qofka ka tirsan xisbi siyaasadeed ha noqdo muxaafid & mucaarid kuu doono , haddaba qofku intaanu ka mid noqan xisbiyada siyaasiga ah ee wadanka ka jira , waa loo baahnyhy inuu u leeyahya aqoon , xirfad & waayo aragnimo .
waa inuu cilmi dheerad ah u leeyahay dastuurka wadanka leeyahay .
siyaasigu waa inuu dowladnimadda macna weyn u yaqaan .
siyaasiga waa kan dadkisa u adeega dhan waliba ha noqatee .
siyaasaiga waa hagaha bulshada kuna haga wado uu u jeexo dhaman jiilka soo socda.

waa kuma siyaasiga somaliya ?

siyaasigena waxna ma qoro waxna ma  aqriyo jornaalada & idaacadaha ayuu dhageysta 
markuu xil qabtana af miishar ayuu noqda cid kastana uu arko wuxu u sheegta awood.
wuxu ku tagrifala awooda u hayo shacabka siday maskaxdiisa maakto ayuu ku dhaqaaqa , wuxuuna ka sareeya sharciga siyaasiga somaliyeed , warba uma hayo in sharciga loo simanyahay qafki ku xadgudbana in sharciga la horgeynaya ma mainsana .
siyaasigena ma aamin sano in shaqada loogu dhibay qaran inuusan aminsaneyn , maxa yeelay macnaha qaranka ayuusan garaneynin .
siyaasi walba siyaasigoo ka af miinshaar wuu ka daren yahay macnaha waxan ula jeeda wuu ugu dhowyahay inuu siyaasi noqdo.
kaga boga qormadeyda aan ku falanqeynaya siyaasada .

Khalid fareey






1 comment: