Friday, 2 February 2018

micnaha -laga-wado -erayada siyaasadda

micnaha -laga -wado-erayada -siyaasada ?

warbaahinta &qaamusyada siyaasadeed waxan ka maqalnaa eraya caadi nala noqdey lkn laga yaabo inan fahansaneyn ama badankena aan garaneynin macnaha dhabta ah loola jeedo.
halkaan waxan kuugu soo gudbinaya micnaha erayada siyasadeed .

Ideology= الايديلوجية = AYDALOOJIYAD ?
in badan ayan maqalnay habel ,dowlad habel ama  koox habel waxey ku dagalameysaa aydaloojiyad adag waa kalmad  ka imaaday asal luqadi gariiga kana kooban firkrad+cilmi  waxa lagu tilmami kara dad haysto fikrad mideysan hal qaabna nolosha u arko wax kastana  u huraayo inay xaqiijiyaan ujeedkooda .

Dictator= الدكتاتورية=  kaligi talis ?
dictaatoriyad ama kaligi talis waa nooc ka mid ah xukunada aan xuduudka an laheyn taaso dalka dadka & masiirka shacaba ku jiro gacanta hal nin ama hal xisbi siyaasaded kalmadaas waxey ka imaaday jumlad laatini ah DICTATUS=QASBID =UMEERIN =SI XOOG AH , kaligi taliska waxey ka dhigan tahay inu shacabku ku qasbayo una merinayo waxa uu asiga rabo .

SECULAR = العلمانية= CILMAANIYAD ?
cilmaaniyada macnaheedu dhabta ah waa kala saarida siyasadda & diinta in raga diinta ay soo dhaafin meelaha cibaadda ayna soo fara gashin xukunka dowladda dabaqeysa &nidamka cilmaniga raga siyaasad ayagana ay soo dhafin dowlada ama ay soo fara gashin diinta .

Federation = الفيدارالية = federaal ?
nidaamka fedraaliga waa qeybinta awoodaha xukunka in gobalada dalkaasi ku jiro xukunkas fedraaliga uu leeyahay gobal kasto xukunkisa hoose & awoode kala duwan qawaanin u gaar ah lkn hoos imaanaya dowlad dhexe , nidaamkas inta badan wax lagu dabaqa wadamadda ay ku nool yihiin dad kala duwan asal ama luqad ama wadamada aadka  u dhulka weyn sida ruushka & marekanka inkasto ay jiran dowladda aan saas aheyn lknsa dabaqo xukunkaas .

Garabka fog =xisbiga midigta fog axsaabta bidixda maxa laga wada ?
garabka midigta  ee mayalka adag 
marka koowad wax yar taarihda dib u fiirino si aan u ogaano meesha uu ka imaday asalka magac bidix & midig ee loo adeegsado axsaabta siyasada 1789 faransiiska waxa ka socday wax loo yaqaano kacdooni faransiiska (الثورة الفرنسية)  waxana jiray loolan ka socday gudaha jimciyadda ama wax lagu tilmami karo (البرلمان ) barlaman,  waxana dhici jiray doodo aad u kulul  xubnaha taageersan boqorka &in xaalka sidisa ahado waxey fadhisan jireen midigta boqorka kuwa mucaradka ee rabo in isbadal & xuriyad dhacdana dhinaca bidix hadaba axsabat midigta fog waa axsabata ku adag dhaqanka & qawaninta dalka waxeyna caan ku yihiin naceybka dadka soo galootiga ah wxana lagu tilamam axsabta midigta fog cunsuriyin naceyb dadka kale ,waxana kaso horjedo axsabta bidixda oo ku baqaya xuriyad & sinaan , cadalad 

Capitalism =الراسمالية = Rasimaaliyad ? 
ra,samaliyadu waa nidaam dhaqaleed waana kan manta calamka hogaminaya sida dowladaha ra,samaliga marekanka &yurub waa nidaam hadafkisu yahay in uu qofku hantin karo wax u gaar ah sida shirkdaha , warshadaha dakadaha & ilo dhaqalo kala duwan wuxu kaso horjeeda hanti wadaga mamnucaya in uu qofku hantiyo ilahaas dhaqaale oo kala duwan .

socialism= الاشتراكية = hanti wadaag 
nidaamka hanti wadaaga waa nidaam dhaqale  shuuci ah kana soo horjeedo ra,samaliga, sida magacisa ka muuqato waa wadagida hantida dalka hanti wadaga wuxu dhigaya in dowlada kaliye ay milkin karto halbowlayasha dhaqalaha warshadaha , shrikadaha waa weyn , beeraha il kasto dhaqale kaso galo in dowlada kaliged milkin karto ka dibna si wadajir ah loogu qeybiya shacabka nidaamkan hanti wadaga laga soo bilaaba 1969 ilaa 1991 xiligi siyada barre ayu ka jiray dalka somaliya
waa nidaam hanti wadaag shuuci ah .

MARTIAL LAW = قانون الاحكام العرفية =marshal- laaw
xukun curfi ah ,xukun milatari waxa laga yaaba inaad maqashay wadan habel waxa ka dhacay afganbi ka dibna ciidanku wuxu kuso rogay marshal-laaw , nidaam dagdag taaso ka dhigan in laalo dhaman qawaaninti dalka uu lahay horey waana xukun naxari daren marshal lawga waan xukun milatari .

DEMOCRACY =الديموقراطية = dimuquradiyad 
waa nidaam ka mid ah nidaam xukunyada caalamka kalmada democracy waxey asal ahan ka imaday labo kalmadood luqada gariiga demo +kratos ama demo =shacab & kratos =xukunka shacabka in shacbka uu leeyahay xukunka nidaamka dimuquradiga wuxu ku dhisan yahay sadex tiir oo kala ah xukunka shacbka sinaan & xuriyadd حكم الشعب , المساوة , حرية 

Fascism = الفاشية =faashi 
magacaas markad maqsho waxa maskaxdad kuso dhacaya faashiyinti taliyaniga sida muuse leeni franko spein , xukuka fashiga waa nidam cunsiri naxaris daren taaso ka dhigan in koox yar gacnta ku dhigto masiirka malayin diyaarna u ah inay daadiyan dhiiga  malayin qof ayago ku xaqiijinayo ahdaaftoda cunsuriga ah sido kale xisbigi naasiga ee jarmalka wxa lagu tiriya inu yahay xisbi faashi ah aabaha faashinta waa muuse leeyni , kalmada faashi waxey ka imaday  fascio oo ah qabsiimo


No comments:

Post a Comment