1: Barlamaani 2: madaxtooyo 3: nidaam isku dhafan
waxaa jira noocya badan xukunka ah ee caalamka , dowlad kastana waxay leedahay nidaam
Nidaamkastana wuxu leeyahay usus ama tiirar ku taagan yahay .
Nidaamka siyaasadeed waa qaabka awooda loo kala qeybiyo , xiriirka ka dhaxeeya sharci dejinta oo ah baarlamankaiyo & fulinta oo ah xukuumada .
Qeexitaanka Baarlamanka
Erayga "baarlamaanku "wuxuu ka yimid erayga faransiiska "parler"taasoo micnaheedu yahay wadahadal . Baarlamanka Golaha wakiilada ama golaha Dadweynaha waa hay,ad sharci-dejineed oo matasha a awoodda sharci -dejinta ee dastuuriga ah , halkaas oo uu awood u leeyahay dhamaan sharci dajinta iyado la raacaaya mabda'a kala guurka . waxay ka kooban yihiin barlamanka koox dad ah oo la yiraahdo waxay leeyihin magacyada wakiilada waxay gelayan Baarlamanka hab doorasho waxaan soo doranaya muwaadiniinta ka diiwan gashan liiska doorashooyinka si qarsoodi ah oo si toos ah loogu soo doorto dorashoyinka guud .
Baarlamanku waa inuu lahaadaa awood buuxda marka loo eego marka la dejiyo sharciyada , dib u celinta iyo ansixinta heshiisyada caalamiga ee ay soo gudbiyaan wakiilo ka socda laanta fulinta.
Magacyada Baarlamaanka
Baarlamankii ugu horeeyey waxaa lagu aasaasay dalka spain ee boqortooyada Lyons 1118 .
Erayga Baarlamanku waxa marki hore loo isticmalay boqortoyada ingiriiska sanadku marku aha 1236 . Baarlamanku waxaa loogu yeeraa magacyo kala duwan , sida Golaha wakiilada , golaha sharci dejinta , golaha shacabka , Baarlamanka Qaranka .
Baarlamanku wuxuu leeyahay saddex howlood 1: sharci 2: koormeer xukumaded , iyo matalaadda dadka ka hor xukumada رئاسى .. برلمانى .. مختلط madaxtooyo , baarlami . nidam isku dhaf
Aqoonyahanda siyaasadeed waxey u kala saareen nidaamyada sadex hab , رئاسى .. برلمانى .. مختلط hadii Awooddaha lakala saaro sharci dejinta & fulinta qaabka nidaamka waa mid madaxtooyo oo madxweynaha awooda leh sida mareekanka رئاسي .
Haddii la isku daro waaxaha ama awoodaha sharci-dejinta &fulinta , nidaamku waa Baarlamaan sida Ingiriiska .
marka laga hadlaayo qaadashada faa'iidooyinka nidaamka madaxtooyo رئاسي iyo qaarka mid ah
astaamaha nidaamka baarlamanka , nidaamkas waxa la yiraahda شبه رئاسي ama مختلط mid isku dhafan , waxana isticmala sida faransiika , swirzerland , filand , portugal & dalalka carabta iyo iran
nidaam madaxtooyo = النطام الرئاسي
Nidaamka madaxtooyo waa awooda buuxda madaxweynaha leeyahay oo loo yaqaan nidaam madaxtooyo , sababtoo ah madaxweynuhu waa kan keliye ee ay doortaan shacabka , wasiiradu waa mas'uuliyin siyasada oo madxweynaha soo dhiso awood uma lah barlamnaka inu xisabiyo madaxweynaha magacabo , madaxweynaha xilka ka qadaya waana sida mareekanka .
Siyaasadaha uu soo jeediya madaxeynaha sida marekanka waa inay ansixyaan congress-ka
waxayna ku ansixiyaan qaabka sharciga .xeerka ma dhaqan gali doono ilaa inta uu madaxweynaha ansixin . Nidaamka madaxtooyo uu ku sifoobay mabda'a kala qeybsananta awoodaha , garsoorka mareekanka ee america wuxu xaq u leeyahay ka noqoshada sharciyada ay soo saareen congresska iyo Go'aanada uu madaxweynuhu soo saaro hadii lagu helo inuu ka soo horjeedo dastuurka .
nidaamka madxtooyo ee awooda fulinta wuxuu ka koobanyahay kaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen , ma jirto ra'iisul wasaare uu leeyahay nidaamkan .
Madaxwaynuhu waa kan keliye soo magavaba golihisa wasirda , wasiiradu waxay hortisa ka yihiin masuul madxweynaha .
Suurtagal ma ah in nidaamka madxtooyo نطام رئاسي xubin ka mid inuu isku darsado sida wasir & baarlaman , madaxweynaha mana kala diri karo baarlamka , baarlamankuna madaxweynaha ma ridi karaan marka laga reebo kiisaska khiyaano.
nidaamka baarlamaanka =النظام البرلماني.
Nidaamka Baarlanku waa rasiiulwasare awooda keliye leh sida wadamada qaar , wadamada kalena waxa iska leh madaxweynaha hadba dastuurka wadanka dhegsada ayaa xukuma ama kala saara awoodaha tusaale ahan wadankena waa nidaam baarlamani awooda madxweyanaha aya leh raisulwasarahana waa sharafi , Ethopia oo kale awooda waxa iska leh raisulwasraha madaxweynahana waa sharafi .
nidaamka baaralamanka , ra'isulwasraha , rasiulwasarha xukumada , la'taliyaha waxaa badana loogu yaqaan wadamada yurub.
Xubin ka mid baarlamanka iyo madaxa xisbiga aqlabiyada wuxu sameya xukuumad isbahaysi حكومة ائتلافية . hadii madaxweynaha loo doorto si aan toos aheyn غير مباشرة yacni shacabka aysan dooran uu doorto baarlamanaka oo kale ,shaqadiisu wey koobana tahay sida india & jarmalka
waxana howsha si toos ah u qabnaya ra'isulwasaha & wasirada kuwaaso oo qabanaya howlaha iyo fududeynta ariamha guud ay shacabka , xukuumadana waxey masuul ka ah baaralamanka oo la xisabatamaya ama xilalakoda ka qadaya .
Nidaamka isku dhafan ----- maaxtooyo-baaralaman النطام المختلط =رئاسي -مختلط
Nidaamka isku dhafan ayaa ah nidaam isku dhejisan oo isku biiray sida madaxoyada & baaralamaniga oo leh madaxweyne iyo ra'isulwasare kana howlgala ama wadagaya howlaha dowlada.
Nidaamkani wuu ka duwan yahay nidaamka baaralamaniga in madaxweynaha jumhuuriayda ay doortan shacabka . waxana ku dhaqama nidaamkani dowlada faransiiska .
Awoodda madaxweynaha jumhuuriyadda ee nidaamkani waa awooda aqlabiyadda .
Magacyada Baarlamanada Caalamka = اسماء برلمانات العالم
Erayaga Baarlamanka wuxuu ka kooban yahay asal ahaan (parlement) wuxuu macnihiisu yahay ,
Golaha sharci -dejinta ama Golaha wakiilada oo ah hay,ada sharci-dejinta ee waddamada leh, dastuurka . Magacyada Baaralamanada ugu caansan caalamaka
- Baarlamaanka somaliya waxa loo yaqaan : Golaha shacabaka ama waagi hore loo yaqiin Guriga ummadda .
- Baaralamanka mareekanka : waxaa loo yaqaan congress
- Baarlamanka Ingiriiska : waxa loo yaqaan Golaha wakiilada &goalaha lords
- Baarlamanka SwitZerlzand : waxaa loo yaqaan Golaha fedraalka
- Baarlamanka Turkiga : waxaa loo yaqaan Golaha Qaran
- Baarlamanka shiinaha :waxaa loo yaqaan Golaha Qaranka ee shacabka
- Baarlamanka IRAN : waxaa loo yaqaan Golaha wadatashiga Islamka
- Baarlamanka Kuwait :waxaa loo yaqaan Golaha Ummadda
- Baarlamanka yahuuda : waxaa loo yaqaan Kaniisad
- Baaralamanka jordan : waxaa loo yaqaan Golaha wakiilada
Khalid Abdilhakim (WAdani )
No comments:
Post a Comment